1491 Views

Xildhibaanad Khadiija: “Nafteyda ayaan kala soo baxsaday Kismaayo”

Xildhibaanad Khadiija: “Nafteyda ayaan kala soo baxsaday Kismaayo”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 23, 2018 –Xildhibaanad Khadiija Aadan Cabdi oo ka mid ah Baarlamaanka Jubaland ayaa sheegtay in ay nafteeda kala soo baxday Magaalada Kismaayo kaddib markii sida ay sheegtay in ay handadaad kala kulantay maamulka Jubaland.

Wareysi ay siisay Idaacadda Mustaqbal ayey ku sheegtay in Jubaland aysan ka jirin nidaamka habraaca wax lagu qeybsaday ee 4.5 islamarkaana Xildhibaannada ka soo jeeda Beelaha qaar aad loo takooro.

Khadiija waxaa ay sheegtay in iyada si gaar ah loogu qabsaday Dad la xir xiray oo ay u doodday iyo kulamada Baarlamaanka oo qaarkood ay ka dhiibatay aragti uusan la helin Madaxweynaha Jubaland.

Dowladda Federaalka ah ayey sheegtay in ay ka codsaneyso in ay Dadka Jubaland ka caawiso sidii ay u heli lahaayeen Maamul loo dhanyahay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment