2037 Views

Ciidanka Kenya oo dad shacab ah ku laayay Ceel-Waaq

Ciidanka Kenya oo dad shacab ah ku laayay Ceel-Waaq
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 25, 2018 – Ciidamo ka tirsan dowladda Kenya ayaa oo shalay gudaha u galay degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo ayaa si bareer ah u toogtay dad shacab ah, sida ay Qaranimo Online ee magaalada Muqdisho u xaqiijiyeen masuuliyiinta degmadaasi.

Ciidanka Kenya ee gudaha u galay degmada oo afka u duubaa ayaa toogasho ku dilay laba qof oo midi uu ilaalo ka ahaa shirkad Isgaarsiineed oo ku taalla degmada Ceel-waaq, halka qofka kalena uu ahaa Oday Da’ah.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Ceel-waaq Sahal Macalin Aadan oo la hadlay Qaranimo Online ayaa sheegay ciidanka gaarka ah ee Kenya inay dileen dileen ku dhawaad 10 qof oo shacab ah, islamarkaana ay burburiyeen isgaarsiintii degmada.

Wuxuu sheegay Guddoomiye Sahal Macalin sababta ciidanka Kenya ay arrintan u sameeyeen inay tahay khilaaf siyaasadeed oo kala dhaxeeya mamulada degmada, wuxuuuna sidoo kale sheegay in dhacdadan ay u gudbiyeen maamulka Jubbaland iyo dowladda balse ilaa hadda aanay ka soo jawaabin.

“Cidamada Kenya ee afka duuban ee u labisan sida Al Shabaab waxay gudaha u galeen degmada waxay dileen laba nin oo joogay shirkad isgaarsiineed, sidoo kale waxaa jira dad kale oo degmada ay ku dileen, waxay miino ku wareejiyeen xarunta isgaarsiinta wayna qarxiyeen, arrintan waa xasuuq, waxaan baaq u dirayaa cidkasta oo arintan ay quseyso.” Ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka Ceel-waaq.

Ciidanka Kenya oo Soomaliya u jooga in dowladda federaalka ay ka caawiyaan dagaalka ay kula jirto Al Shabaab ayaa mararka qaar waxa ay geystaan tacadiyo kala duwan oo ay kula kacaan shacabka Soomaliyeed.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment