1101 Views

Xukuumadda Somaliland oo soo dhaweysay saraakiil iyo ciidan hor leh oo kasoo goostay Puntland

Xukuumadda Somaliland oo soo dhaweysay saraakiil iyo ciidan hor leh oo kasoo goostay  Puntland
____________________________________________________________________________

April 16-4-2021

Wararka ka imaanaya Somaliland ayaa sheegaya in Ciidamo iyo gaadiid Dagaal ay ka soo baxeen aagaga ay isku hor fadhiyaan Hargaysa iyo Garoowe ay soo gaareen  halkaas.

Wararka ayaa sheegaya in Xukuumadda Somaliland ay soo dhaweysay saraakiil iyo ciidan hor leh oo kasoo goostay maamulka goboleedka Puntland.

Saraakiisha iyo ciidamada kasoo goostay ciidamada difaaca Puntland ayaa waxa deegaanka Goojo-cadde ku qaabilay Taliyaha ciidanka Somaliland ee jiida hore ee gobolka Sool.

Sidoo kale Ciidamadaan ayaa lagu sheegay tiradoodu inay gaareyso ilaa 30, kuwaasi oo sitay saanadoodii millateri ee ay kala soo goosteen maamulka Puntland oo dagaal kala dhaxeeyo Somaliland.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post