606 Views

Buhari oo ka falcelinayey dilka ugu yaraan 43 qof oo lagu dilay suuq ku yaalla dowlad -deegaanka

Buhari oo  ka falcelinayey dilka ugu yaraan 43 qof oo lagu dilay suuq ku yaalla dowlad -deegaanka
____________________________________________________________________________

Talaado:  October 19, 2021

Buhari ayaa ka falcelinayey dilka ugu yaraan 43 qof oo lagu dilay suuq ku yaalla dowlad -deegaanka Goronyo ee gobolka Sokoto oo ay burcaddu falkan ka geysatay.

Bayaan uu soo saaray kaaliyihiisa warbaahinta ayaa lagu yiri “Weerarada fulaynimada ah ee ay burcaddu ku qaadday dad aan waxba galabsan waxay muujinayaan tallaabo gadaal ka ah dembiilayaasha cadaadis saaran. Laakiin ma lahaan doonaan meel ay ku dhuuntaan, ciidamadeenna amniga ee geesinimada lehna kama waantoobi doonaan gulufka hadda socda si ay uga adkaadaan cadowyadan naxariis darrada ah ee aadanaha, ”

n

Buhari ayaa sheegay in burcadda ay hadda cadaadis saaran yahay sababta oo ah howlgallada kaga socda dhinaca cirka iyo dhulka ee joogtada ah kuwaas oo ay ciidamada Amaanku la beegsanayaan goobaha ay ku dhuumanayaan kooxaha burcadda.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post