1842 Views

Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 14, 2018 – Wararka naga soo gaaraya Nawaaxiga SOS gaar ahaan Shaleemo Cabdiwaayeel ayaa waxa ay sheegayaan in Askar ka tirsan Ciidamada Booliska Mooto ay saarnaayeen Qarax Miino halkaasi lagula eegtay.

Sidda  uu Qaranimo Online u sheegay qof ka mid ah dadka degaanka Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Darawalkii Mootadda Waday, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Askariga ayaa waxaa soo gaaray dhaawac Culus, waxaana halkaasi ka qaaday Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka waddaan howlgallo.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment