3117 Views

Jahwareer Siyaasadeed oo ka taagan Baydhabo

Jahwareer Siyaasadeed oo ka taagan Baydhabo
____________________________________________________________________________

Baydhabo | QOL | September 14, 2018 – Xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed ayaa ku kala qeybsamay talaabada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed uu ku hakiyay wada shaqeyntii dowladda dhexe kala dhaxeysay.

Xildhibaanada ayaa kulamo gaar gaar ah ku yeeshay maalmihii la soo dhaafay magaalada Baydhabo waxa ayna siyaabooyin kala duwan ugu hadleen qodobadii ka soo baxay shiirkii Kismaayo iyo go’aanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Xildhibaanada qaar ayaa difaacay wax qabadka dowladda dhexe halka kuwa kalena ay sheegeen in dowladda dhexe aysan waxbo u qaban shacabka iyo dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Ibraahim Cali Aadan waxa uu ka mid yahay Xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed waxa uu Qaranimo Online u sheegay in Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ay ka baxeen balan qaad ay u sameeyeen shacabka.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay ku taageerayaan go’aanka ay ku hakiyeen wada shaqeynta dowladda dhexe kala dhaxeysay.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment