1044 Views

C/nuur Darmaan “Adduunku, wuxuu indhaha ku hayaa sida ay ku soo baxayaan xildhibaanada cusub..”

C/nuur Darmaan “Adduunku, wuxuu indhaha ku hayaa sida ay ku soo baxayaan xildhibaanada cusub..”
____________________________________________________________________________

Jimce, 18 Maarso [Qaranimo Online] C/nuur Darmaan  ayaa sheegay inuu musharax u yahay xilka madaxtinimada Soomaaliya, isaga oo saxaafadda kula  hadlayay Magaalada Nairobi ee waddanka Kenya.

Darmaan, oo taageerayaashiisa xisbiga Jamhuuriga u doorteen Madaxweyne 2003 dii, ayaa isku tilmaamay inuu yahay siyaasi waaya-arag u ah marxaladihii dalku soo maray, isaga oo dhinaca kale xusay dhowrkii sanno ee u dambeeyey inuu hormuud u ahaa dedaalo lagu badbaadinayo dad Soomaaliyeed oo xabsiyo dibedda ah ku jira, sidoo kalena uu gacan ka geystay in daaweyn dibedda ah loo qaado dad dhaawacyo kala duwan qaba.

“Anigu meel kasta oo aan joogo waxaan ahay mutawadac dadkiisa ka war haya, haddii aan fursad u helo inaan hogaan noqdo anigoo khibradeyda adeegsanaya waxaan aaminsanahay inaan dalkeyga ka saari karo marxalada adag” Ayuu yiri Darmaan, wuxuuna ugu baaqay   warbaahinta looga baahan yahay in ay bulshada wacyigelin u sameeyaan, kuna baraarujiyaan waajibaadka iyo xaqa ay u leeyihiin muwaadiniintu in cidda ay ku aaminayaan masiirkoodu noqdo dad ay hubaan.

“Maadaama dalka aan weli la gaarsiin qof iyo cod, bulshadu dareenkooda way cabiri karaan, adduunku waxay tixgelinayaan codka bulshada iyo rabitaankooda” Ayuu yiri Cabdinuur Darmaan.

Darmaan, waxaa kale oo uu ka hadlay doorashooyinka xildhibaanada Galmudug laga soo dooranayo ee soo galayo Baarlamaanka, isaga ugu baaqay hogaanka Galmudug in ay u hogaansamaan rabitaanka bulshada Gobolka.

“Adduunku, wuxuu indhaha ku hayaa sida ay ku soo baxayaan xildhibaanada cusub, waxaa na soo gaaraya meelaha qaar cabasho ay muujinayaan dadka deegaanka,  kuwa kuraasta loo xoogay meel fog ma gaarayaan, waxaan aaminsanahay in meel la iska dhigo rabitaanka shaqsiga ah, cid kastana fursad loo siiyo in ay is sharaxdo” Ayuu yiri Darmaan, wuxuu intaasi raaciyay in ay jiraan musharixiin dhowaan ku dhawaaqi doona musharaxnimadooda.

“Waxaan la hadalnaa oo xiriir joogta ah la leenay xubnaha beesha caalamka waxaan u sheegnaa in Soomaaliyada cusub u baahan tahay waxqabad dhab ah & hogaanka ay ka go’an tahay inuu dalka ka saaro marxalada adag” Ayuu yiri Darmaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post