612 Views

Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka & wadashaqeynta

Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka & wadashaqeynta
____________________________________________________________________________

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Sii-hayaha Safiirka  Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Mohamed-Rashid Ibrahim Yuusuf.

Labada mas’uul  ayaa wada hadlay adkaynta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab, iyaga oo isku raacay in la kordhiyo wadashaqeynta dowladda cusub & dowladda Jabuuti.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Jabuuti ay tahay dal walaal ah oo xiliyo adag soo garab taagnaa Soomaaliya, isla markaana ay xukuumaddiisu sii amba-qaadi doonto xoojinta xiriirka labada dal, isagoo uga mahadceliyey taageeradooda walaaltinimo.

Dhankiisa Sii-hayaha Safiirka  Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Mohamed-Rashid Ibrahim Yuusuf ayaa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Madaxweynaha Soomaaliya xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dowladood.

Dowladda jabuuti ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, waxaana degmooyin kamid ah gobolka Hiiraan ka jooga Ciidamo ku howlgalla Magaca howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, waxana sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh booqasho laba cisho qaadatay uu ku tegay dalka Jabuuti.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post