5055 Views

Tiradi Kooxdi Weerartay Lido iyo Qofki ka dambeeyay Magaciisa

Tiradi Kooxdi Weerartay Lido iyo Qofki ka dambeeyay Magaciisa
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 23 January, 2016: Habeenkii Khamiista weerarki ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, ayaa dowlada Soomaaliya waxay ku shaacisay iney gacanta ku dhigtay ruuxii ka dambeeyay fikrada lagu weeraray maqaayada ku taala xeebta Liido.

Ninka ciidamada dowlada Soomaaliya gacanta ku dhigtay ayaa lagu magacaabo Ismaaciil Muuse Axmed, kaasi oo heysta dhalashada dalka Holland una yimid dalka Soomaaliya, si uu ugu biiro Kooxda Alshabaab.

Waxaa kale oo la rumeysan yahay in Ismaaciil Muuse Axmed uu yahay qofki ka dambeeyay weerarkii ka dhacay Hotel Central ee magaalada Muqdisho, kaasi oo masuuliyiin dowlada Soomaaliya ka tirsan lagu xilay.

Waxaa lagu magacaabaa Ismaaciil Muuse Axmed Guuleed, waxaana la sheegay in lagu xiray magaalada Muqdisho, sida ay daabacday warbaahinta dalka Holland.

Weerarkii ka dhacay xeebta Liido ayaa sababay dhimashada inka badan 20 ruux oo rayid ahaa waxaana ku dhaawacmay inka badan 50 ruux, kadib markii kooxaha hubeysan ay rasaas la dhaceen dadka shacabka ah.

Wasaarada arimaha dibada xukuumada ayaanan xaqiijin xariga Guuleed oo sidoo kale la aamisan yahay inuu ka dambeeyay weerarkii Jabuuti ka dhacay sanadkii 2014, laakiinse wasaarada amniga xukuumada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in ruuxaasi gacanta dowlada uu ku jiro.

Dadkii ka dambeeyay weerarka ka dhacay xeebta Liido ayaa ahaa 8 ruux sida xog dheeri ah lagu helayo, lix kamid ah ciidamada amaanka ayaa toogtay, mid kamid ah qarax ayaa ku xirnaa oo wuu qarxay halka ruuxa kale ciidamada dowlada ay gacanta ku dhigeen, wana sida warka nagu soo gaaray.

—————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment