315 Views

Ciidamada Itoobiya oo isaga baxay magaalo muhiim ah oo ku taalla waqooyiga dalkaas kadib maalmo dagaal ah

Ciidamada Itoobiya oo isaga baxay magaalo muhiim ah oo ku taalla waqooyiga dalkaas kadib maalmo dagaal ah
____________________________________________________________________________

Axad: AUGUST 28, 2022

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay isaga baxeen magaalada Kobo ee waqooyiga gobolka Axmaarada si ay u xakameeyaan khasaare badan oo ka dhaca magaalada iyadoo ay sii kordhayaan iska horimaadyada u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Tigrayga.

Bayaan ka soo baxay xafiiska isgaarsiinta dowladda Itoobiya ayaa lagu eedeeyay in ciidamada Tigray ay magaalada ku soo qaadeen weeraro iyagoo ka soo galay jihooyin badan.

Magaalada ayaa ku taal meel u dhow goobihii uu dagaalku ka soo cusboonaaday horaantii todobaadkan. Wali ma jirto wax jawaab ah oo ka soo baxay ciidamada Tigreega.

Dadka magaalada ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah ay u qaxayaan tuulooyinka magaalada u dhow iyagoo lugeynaya ka dib ay joogsadeen adeegyadii gaadiidka sababo la xiriira dagaallada soo cusboonaaday.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post