831 Views

Somalia kaalintee ayay ka gashay dalalka Adduunka ugu awoodda badan, dhinaca millateriga?

Somalia kaalintee ayay ka gashay dalalka Adduunka ugu awoodda badan, dhinaca millateriga?
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 24 2020—Wargeyska Global Firepower, oo sanad kasta isbarbardhig ku sameeya awoodaha milatariga adduunka ayaa soo bandhigay liis ay ku jiraan 138 waddan iyo sida ay u kala awood badan yihiin.

Qiimeynta uu wargeyskan sameeyo waxa uu u cuskadaa tirada hubka waddamadaas, ciidankooda iyo dhaqaalaha ay ku bixiyaan dhinaca dhismaha milatariga iyo howlahooda.

Kaalmaha ugu horreeya liiska ayeysan inta badan waxba iska baddalin sanad kasta. Hase yeeshee dalalka qaar ayaa sanad walba ku kala duwanaada awooddaas.

Afarta kaalmood ee ugu horreeya isma baddalin sannadihii lasoo dhaafay, waxaana ku kala jira dalalka kala ah:

1- Mareykanka

2- Ruushka

3- Shiinaha

4 Hindiya

Turkiga ayaa markii ugu horreysay tan iyo sanadkan 2020-ka ka baxay liiska tobanka waddan ee ugu awoodda badan dhinaca milatariga Adduunka.

Laakiin Masar ayaa markan soo cidhiidhsatay 10-ka ugu horreeya, taasoo aan horay ugu suurtagalin.

Dalalka kale ee soo raaca liiska tobanka ka kooban ee uu hoggaaminayo Mareykanka ayaa kala ah:

5- Japan

6- Kuuriyada Koonfureed

7- Faransiiska

8- Ingiriiska

9- Masar

10- Brazil

Labadii sano ee lasoo dhaafay Turkiga wuxuu ku jiray kaalinta 9-aad, halka labadii sano ee kasii horreysayna uu ku dhammeystay kaalinta 8-aad. Laakiin sanadkan wuxuu soo galay kaalinta 11-aad.

Sanadkii lasoo dhaafay, 2019-kii, Sacuudiga wuxuu si dirqi ah kusoo galay gaalinta 25-aad, halka Israa’iil ay ku jirtay kaalinta 17-aad.

Ilaa 25-ka waddan ee ugu horreysa liiska waxaa ku jira:

11- Turkiga

12- Talyaaniga

13-Jarmalka

14-Iiraan

15- Pakistan

16- Indonesia

17- Sacuudi Carabiya

18-Israa’iil

19- Australia

20- Spain

21- Poland

22- Vietnam

23- Thailand

24- Canada

25- Kuuriyada Waqooyi

Soomaaliga ayaa sanadkan liiska ka kooban 138 waddan uga jirta kaalinta 136-aad. Labada waddan ee ka hooseeya Soomaaliya ayaa kala ah: Liberia iyo Bhutan.

BBC SOMALI


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post