399 Views

Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson oo booqasho ku tagay magaalada Kyiv ee caasimadda Ukraine

Ra’iisul wasaaraha Britain  Boris Johnson oo booqasho ku tagay magaalada Kyiv ee caasimadda Ukraine
____________________________________________________________________________


 

Sabti: April 9, 2022

Ra’iisul wasaaraha Britain, Boris Johnson, ayaa noqday hogaamiyihii ugu dambeeyay ee reer Yurub ah oo booqda Ukraine.

Waxa uu magaalada caasimadda ah ee Kyiv kula kulmay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

Safaaradda Ukraine ee London ayaa daabacday sawir muujinaya labada hogaamiye oo wadafadhiya.

Xafiiska Mr Johnson ayaa sheegay in booqashada lagu garab istaagayo dadka Ukraine. Waxaa kale oo uu xafiisku sheegay in Mr Johnson uu dalkaas gaarsiiyay dhaqaale iyo taageero milateri oo cusub.

Mr Zelensky ayaa sidoo kale waxa uu Sabtidan la kulmay hogaamiyaha Austria, Karl Nehammer.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post