978 Views

Maxkamadda sare ee dalka oo ku dhawaaqday natiijada dacwad la wada sugayey

Maxkamadda sare ee dalka oo ku dhawaaqday natiijada dacwad la wada sugayey
____________________________________________________________________________

 

Khamiis, Abril, 09, 2020 [Qaranimo Online] Maxkamadda sare ee dalka, ayaa soo soo saartay natiijada dacwad horraanta bishii Oktoobar ee sannadkii hore ay u gudbiyeen Xisbiga Himilo Qaran, kuna saabsanayd waaxda duulista hawada Soomaaliya oo ka horistaagtay Guddoomiyaha xisbigaasi Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo wadigigiisa in ay u safraan magaalada Kismaayo, oo xilligaas loo madlanaa doorasho lagu muransanaa.

Maxkamadda ayaa ku xukuntay waaxda duulista hawada in ay Soomaaliya in ay magdhow ahaan u xiiso Xisbiga Himilo Qaran lacag ku dhow 35,000 oo dollar.

Xeeldheerayaal siyaasadeed ayaa sheegay in tillaabadaasi ay dhiig cusub galin karto ilaalinta sharciga iyo sareyntiisa, iyada oo dhinaca kalena ay dhabaha u xaarayso in dadku ku kalsoonaadaan hay’adaha garsoorka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment