765 Views

Kooxda Xuutiyiinta oo ku hanjabey iney duqeymo kale oo dhanka cirka ah ku qaadi doonaan dalka Imaaraatka

Kooxda Xuutiyiinta oo ku hanjabey iney duqeymo kale oo dhanka cirka ah ku qaadi doonaan dalka Imaaraatka
____________________________________________________________________________


Talaado: January 18, 2022

 Fallaagada Xuutiyiinta, ayaa ku hanjabey iney duqeymo kale oo dhanka cirka ah ku qaadi doonaan dalka Imaaraatka, haddii dalalka Khaliijka ay sii wadaan waxey ku tilmaameen “gardarrada ka dhanka ah dalka Yemen”.

La taliyaha Xuutiyiinta, ayaa ka dalbadey dadka rayidka ah iyo shirkadaha ajnabiga ah iney ka fogaadaan xarumaha muhiimka ah ee Imaaraatka, oo laga yaabo iney mustaqbalka bartilmaameed u noqdaan weerarada kooxdiisa, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Kooxda Xuutiyiinta, ayaa sheegatey mas’uuliyadda duqeynta lagu garaacey haamaha shidaalka ee magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraatka Carabta, kaasoo ay ku dhinteen saddex qof.

Afhayeen u hadley military-ga kooxda, Yahya Sariya, ayaa sheegay in weerarka loo adeeg sadey shan gantaal oo nooca ballistic-ga ah iyo tiro diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, isagoo ka digay iney beegsan doonaan goobo kale uu ku tilmaamey kuwo ka muhiimsan kuwii hore.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post