828 Views

Soomaali lagu xiray dalka Zambia oo ahaa tahriibeyaal ku sii jeeday dalka Koonfur Afrika.

Soomaali lagu xiray dalka Zambia oo ahaa tahriibeyaal ku sii jeeday dalka Koonfur Afrika.
____________________________________________________________________________

 

isniin: April 25, 2022

Wararka ka imaanaya waddanka Zambia ayaa tibaxaaya in booliska dalkaasi ay todobaadyadii la soo dhaafay qabqabteen tahriibeyaal Soomaali ah oo ku sii jeeday dalka Koonfur Afrika.

Dadkan la qabtay oo la sheegay inay boqol ka badan yihiin ayaa la sheegayaa in dadkii waday ee tahriibinayey ay halkaa kaga baxsadeen.

Dadkaasi waxaa u gurmaday jaaliyadda Soomaalida ee dalkaas oo cunto ugu geynayey xabsiyada ay ku jiraan.

Maxamuud Maxamed Xasan (Hiiraan) oo ah gudoomiyaha jaaliyadda Soomaalida Zambia ayaa BBC-da u sheegay inay ka shaqeynayaan sidii xabsiyada looga sii daayn lahaa dadkaas xiran.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post