786 Views

Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha K/Galbeed & Safiirka Qatar?

Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha K/Galbeed & Safiirka Qatar?
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | November 23, 2020 –
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa  Maanta Xafiiskiisa Magaalada Baydhabo  ku qaabilay Safiirka Dowlada Qatar oo Maanta Baydhabo gaaray.

Madaxweyne laftagareen & Safiir Xasan Xamza Asad ayaa ka wada hadlay xaalada degaannada koonfur Galbeed iyo mashaariic Dowladda Qatar ay ka fulineyso degaannada Maamulkaas.

Ujeedada wafdiga Safiirka Dowlada Qatar ee Soomaaliya uu ku tegay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay in halkaasi dowladda Qatar ay ka fulin doonto mashaariic horumarineyd, oo Maanta ay siwadajir ah u dhagax-dhigi doonaan Ra’iisul Wasaare Rooble & Safiirka Qatar ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen aya uga mahad celiyay dowladda Qatar taageerada ay siiso Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ka aamul ahaan ay kordhin doonaan wada-shqeynta ka dhaxeysa.

Dowladda Qatar ayaa xilligaan waxaa ay saameyn ballaaran ku leedahay Soomaaliya, waxaana ay taageero weyn siisaa dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post