804 Views

Jubbaland oo ka hadashay qabsoomida doorashooyinka Golaha Aqalka sare

Jubbaland oo ka hadashay qabsoomida doorashooyinka Golaha Aqalka sare
____________________________________________________________________________

Isniin: july 19, 2021

 Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa faah faahin dheeraad ah waxa ay ka bixisay qabsoomida doorashooyinka Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ee dhowaan ka dhacaya deegaanada maamulkaasi.

Wasiirka maaliyadda Jubbaland, ahna xubnin ka tirsan guddiga uu baarlamaanka  u magacaabay qabsoomida doorashada Aqalka Sare xildhibaan Xuseen Xirsi Axmed oo wareysi siiyey Radio Mustaqbal ayaa shaaca ka qaaday inay si cadaalada u dhici doonto doorashada, wuxuuna ugu baaqay musharraxiinta inay muujiyaan kalsooni gaar ah.

Xirsi ayaa sidoo kale meesha ka saaray in Jubbaland ay dooneyso inay is hortaagto qaar ka mid ah musharraxiinta, gaar ahaan kuwa siyaasad ahaan kasoo horjeeda, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay wel-welka laga muujinayo arrintaasi.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in doorashada ay si wadajir ah u maamuli doonaan guddiga federaalka iyo Jubbaland, taas oo qeyb ka aheyd heshiiskii doorashada.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post