954 Views

Axmed Madoobe oo Amray in la xiro masaajida ku yaalla deegaannada Jubbaland

Axmed Madoobe oo Amray in la xiro masaajida ku yaalla deegaannada Jubbaland
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 15 2020–Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan degdeg la qaatay Culimada iyo imaamyada masaajidada ku yaalla Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose,isaga oo kala hadlay dhibaatada ama khatarta Cudurka Cornavirus.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Culimada faray in dhamaan la xiro masaajida ku yaalla guud ahaan deegaannada Maamulka Jubbaland,si looga hortago faafitaanka Cudurka Safmareenka ah ee COVID-19.

Shacabka ku nool deegaannada Dowlad goboleedka Jubbaland ayuu ugu baaqay inay qaataan talooyinka Caafimaad ee loo soo jeedinayo si ay uga badbaadaan khatarta Cudurka,ilsa markaana ka maamul ahaan ay dadaal farabadan ku bixin doonaan.

Deegaano kamid ah Maamulka Jubbaland ayaa waxaa laga diiwaangeliyay kiisas kamid ah Cudurka COVID-19,waxaana ilaa iyo hadda laga helay 58 Ruux oo ku nool deegaannada kala duwan ee Maamulkaas.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment