234 Views

Garoonka Estadio da Rocha dalka Guinea-Bissau oo loo bixiyo magaca halyeeygii ciyaaraha Kubadda Cagta ee Pele, ee u dhashay Brazil

Garoonka Estadio da Rocha dalka Guinea-Bissau oo  loo bixiyo magaca halyeeygii ciyaaraha Kubadda Cagta ee Pele, ee u dhashay Brazil
____________________________________________________________________________

Sabti: JANUARY 6, 2023

Garoonka Estadio da Rocha oo haatan ku yaallal magaalada labaad ee dalka Guinea-Bissau ee Bafata, ayaa lagu wadaa in loo bixiyo magaca halyeeygii ciyaaraha Kubadda Cagta ee Pele, ee u dhashay Brazil dhowaanna geeriyooday, sida ay go’aamisay dowladda dalkaas.

Garoonkan – waa garoonkii labaad ee Afrikaan ah ee loogu magacdaro Pele, ka dib dalab ka soo baxay madaxa Fifa, Gianna Infantino, oo ku booriyey in dalalka adduunku ay isbeddel noocaas ah sameeyaan.

Guinea-Bissau, oo deris la ah ee dalka Cape Verde, ayaa garoonkooda qaranka ku dhawaaqday in lagu magacaabi doono garoonka Pele Stadium Arbacada.

“Iyadoo muujineyso sida ay dadweynuhu ugu aqoonsan yihiin inuu yahay Boqorka Kubadda Cagta Adduunka, Golaha Wasiirradu waxay go’aansadeen in garoonka gobolka Bafata loo bixiyo ‘King Pele’,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale si cad loogu sheegay in go’aankan uu “jawaab u yahay dalabkii madaxa Fifa”.

BBC Sport Africa, ayaa lasoo gaarsiiyey in maamulka Isboortiga ee Ghana, uu sidoo kale ka fikirayo in mid kamid ah garoomadeeda ay magaca ka badalaan, una bixiyaan Pele.

Pele ayaa lagu tiriyaa inuu dhaliyay 1,281 gool, 1,363 kulan oo uu saftay 21 sano oo uu xirfaddiisa ciyaareed uu ku guda jiray.

Waxa uu ka dhaliyey 77 gool 92 kulan, oo uu u saftay xulka dalkiisa Brazil, waxaana sanadkii 2000 loo magacaabay ciyaartoygii qarniga ee Fifa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post