654 Views

Daalibaan oo si buuxda ula wareegeen Gobalkii ay haysteen Kooxda Xoogaga Iska-caabinta Daalibaan ee NRFA

Daalibaan oo  si buuxda ula wareegeen Gobalkii ay haysteen Kooxda Xoogaga Iska-caabinta Daalibaan ee NRFA
____________________________________________________________________________

.


Sabti: September 4, 2021

Dagaalamayaasha Daalibaan ayaa la sheegay in ay si buuxda ula wareegeen Gobalkaasi oo ay haysteen Kooxda Xoogaga Iska-caabinta Daalibaan ee NRFA.

Afhayeenka Daalibaan, Bilaal Kariimi ayaa waxaa uu shaaciyey in ay si buuxda ula wareegeen Gobalkaasi. Qoraal uu soo dhigay Barta Twitter-ka ee Daalibaan ayuu ku sheegay in Gobalka Panjshir uu soo galay gacanta Imaaradda Islaamiga er Afganistaan.

Dhinaca kale, Dagaalamayaasha Daalibaan ayaa waxaa ay dabaaldeg ka dhigeen Caasimada dalkaasi ee Kabul, iyago rasaas Hawada Sare u ridayey.

Madaxda Kooxda Iska-caabinta Gobalka Dooxada Panjshir waxaa la sheegay inay u baxsadeen dalka Tajakistan, kadib markii ay Daalibaan gudaha u soo galeen Gobalkaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post