1527 Views

Waqooyi bari Kenya oo laga furey sheybaar lagu hubinayo badqabka cuntada

Waqooyi bari Kenya  oo  laga furey sheybaar lagu hubinayo badqabka cuntada
____________________________________________________________________________

.

June 6 2021

Wararka ka imaanaya Magaalada Garissa ee goblka waqooyi bari Kenya, ayaa sheegaya in laga furey sheybaar lagu hubinayo badqabka cuntada.

Garissa waagii hore ma aysan lahayn shaybaar lagu baaro tayada cuntada, oo kolkii hore loo qaadi jirey magaalada Nairobi, oo u jirta masaafo dhan 300km.

Axmed Xaaji Maxamed, oo ah madaxa waaxda caafimaadka ee deegaankan, ayaa sheegay in baqdintii ay ka qabeen tayada cuntada in haatan xal loo heley.

Wuxuu intaa ku darey isku duwaha iney aad u adkeyd hubinta tayada cuntada, haatanse in muddo gaaban ay baaritaan sameyn karayaan,

Sheybaarkan ayaa dhismihiisa waxaa ka kaalmeeyey deegaana Garissa hey’adda cuntada adduunka ee (WFP), oo kaashatey jaamacadda Nairob.

Sheybaarkan waa noociisa kii uggu horeeyey ee laga furo gobolka, kaasoo ka qeyb qaadan doono dhawrista faya dhawrka iyo sixada cuntada.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post