597 Views

Wakumaa ra’iisul wasaaraha cusub ee Australia?

Wakumaa ra’iisul wasaaraha cusub ee Australia?
____________________________________________________________________________

Axad: May 22, 2022

 

Anthony Albanese ayaa loo doortay ra’iisul wasaaraha xiga ee Australia ka dib markii uu xisbiga shaqaalaha ku hogaamiyay guushii ugu horeysay ee doorashada muddo toban sano ka badan.

Anthony oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu muddada dheer dalka Australia, ayaa u ballanqaaday codbixiyaasha “isbeddel balaraan”.

Waxaa uu aad uga shaqeynayay sidii uu meesha uga saari lahaa isbahaysiga Liberal-National Conservative oo xukunka hayay tan iyo 2013-kii.

Ninkan oo 59 sano jir ah ayaa katrisnaa baarlamaanka Australia muddo 25 sano ah.

waxaa uu kusoo biray xisbigan shaqaalaha isagoo 20 sano jir ah.

Intii kamid ahaa baarlamaanka Australia Waxa uu taageeray siyaasadda muranka dhalisay ee ah in ay dib loo celiyo magangalyo-doon kasta oo ku yimaada doon – taasi oo uu mar si cad uga soo horjeestay.

Sannadkii 2007-dii, markii uu xisbiga shaqalaha la wareegay awoodda , Mr Albanese wuxuu noqday wasiirka kaabayaasha iyo gaadiidka dalka Australia.

Anthony Albanese ayaa waxaa uu asal ahaan kasoo jeeda dalka Talyaaniga.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post