249 Views

Caalamka oo si isdaba joog ah uga soo jawaabay baaqa Soomaaliya ee diidmo Xadgudubka Ethiopia (WARBIXIN)

Caalamka oo si isdaba joog ah uga soo jawaabay baaqa Soomaaliya ee diidmo Xadgudubka Ethiopia (WARBIXIN)
____________________________________________________________________________

Addunyada ayaa si isdaba joog ah uga soo jawaabaysa baaqa Dawladda Soomaaliya ee ah in la diido Xadgudubka Ethiopia ay ku damacsan tahay inay boobto meel ka mid ah Badda Soomaaliya, Midawga Yurub, Jaamacadda carabta, Ururka Midowga Afrika iyo qeybo badan oo ka mid ah Dalalka saaxiibka ah ayaa caddeeyay mawqifkooda. Heshiiska Isfahamka waxa uu siinayaa Itoobiya fursad ay ku kiraysato saldhig badeed joogto ah oo la isku haleyn karo iyo adeegyada badda ganacsiga ee Gacanka Cadmeed.

War ka soo baxay Midowga Afrika yaa lagu sheegay in la qadariyo Midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana sidaasi lagu sheegay war ka soo baxay Xfiiska Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Midowga Moussa Faki Mahamat, iyadoo lagu sheegay warkaasi, wuxuu si dhow ula socdaa xiisadda ka dhalatay heshiiska ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo gobolka Soomaaliyeed ee (Soomaaliland) ayaa lagu yiri war qoraal ah oo uu soo saaray Midowga Afrika”, isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri”. Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in la muujiyo degnaansho iyo istixgelin ka timaada labada dhinac,si loo yareeyo xiisadaha ka dhextaagan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka Itoobiya, Moussa Faki ayaa ku baaqay in laga fogaado wax kasta oo keeni kara in uu xumaado xiriirka derisnimo ee ka dhexeeya labadan dal ee dhaca Bariga Afrika, ayuu yiri Mr Faki.

Guddoomiyaha midowga Afrika ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo shuruucda iyo xeerarka la xiriira dhowrista derisnimada,si sare loogu qaado dhiirogelinta nabadda,ammaanka iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika, wuxuuna intaasi ku daray in la ixtiraamo madaxbanaanida, midnimada iyo sharafta dhuleed ee guud ahaan wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika oo ay ku jiraan dowladaha Federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Midowga Afrika ayaa labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya ugu baaqay in si shuruud la’aan ah u bilaabaan wadahadallo lagu xalinayo kala duwanaanshiyohooda, iyadoo dhanka wanaagga ah laga eegaayo, dibna ay u soo celiyaan iskaashigooda si looga wada shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida gobolka, ugu dambeyntiina Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa sheegay in ay ka go’antahay sidii xal waara loogu heli lahaa xiisaddaan soo cusboonaaday.

Dhinaca Ururka Jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya xubin buuxda ka tahay ayaa iyana ka hadashay arrinta damaca Itaabiya ee Badda Soomaaliya, Afhayeenka rasmiga ah ee Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Jamaal Rushdie ayaa cambaareeyay heshiisyada is-afgaradka ah ee ku xad-gudba Qaranimada Soomaaliya, loogana faa’iidaysanayo duruufaha ka jira dalka iyo is-faham-waaga ka taagan wadahadallada ka dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Afhayeenka ayaa sheegay in Jaamacadda Carabtu ay si buuxda u garab taagan tahay go’aankii Golaha Wasiirrada Soomaaliya, kaas oo uu ku tilmaamay heshiis beenaadkii Itoobiya iyo Somaliland mid aan waxba ka jirin, isla markaana xad-gudub cad ku ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna ka digay saameynta ay tallabadani ku yeelan karto fidinta afkaarta Argagaxisada ee xagjirka ah, xilli dowladda Soomaaliya ay dedaalo badan ugu jirto sidii ay uga hortagi laheyd.

Baarlamaanka wadamada Carabta ayaa si buuxda u diiday tallaabo kasta oo ka dhan ah Qaranimada, Madaxbanaanida iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo ugu baaqay Itoobiya inay ilaaliso xeerarka iyo mabaadi’da deris wanaagga, ixtiraamka madax-bannaanida dowladaha iyo in aanan la faragelin arrimahooda gudaha ee dal, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasiloonida gobolka, wuxuuna carabka ku adkeeyay in amniga iyo xasiloonida Soomaaliya iyo xurmeynta qaranimadeeda ay tahay qeyb ka mid ah amniga qaranka Carabta, iyagoo carabka ku adkeeyay in Baarlamaanka Carabta ay ku garab taagan yihiin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tilaabooyinka sharciyeed ee ay ku ilaalineyso xasiloonideeda iyo qaranimadeeda.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay hadalkii ka soo yeeray Xoghayaha fulinta Urur goboleedka IGAD, iyadoo u aragta mid u xaglinaya dowladda Ethiopia. War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibadda JFS ayaa lagu yiri” Waxaan ugu baaqaynaa Xoghayaha Fulinta IGAD inuu si degdeg ah raaligelin uga bixiyo hadalkaasi, uuna ka qaado talaabada ku habboon.

Wasaaradda arrimaha dibedda dowladda FS oo shir isagu yeertay danjirayaasha Beesha Caalamka ayaa warbixin ka siisay Xaaladda Go’aanka Soomaaliya ee ku wajahan Xadgudubka Itoobiya ee madaxbanaanida dhuleed ee JFS.

Sii-haayaha Xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda dowladda FS Cali Balcad ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in shirka oo muhiim ahaa uu ku saabsanaa in Danjireyaasha caalamka dowladdu garsiiso go’aankeeda ku aaddan talaabada xadgudubka ah ee ay qaadday Xukuumadda Addis Ababa.

Dowladda Mareykanka ayaa walaac xooggan ka muujisay xiisadda diblomaasiyadeed ee ka taagan Geeska Afrika, kaddib markii ay Itoobiya iyo maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland kala saxiixdeen heshiis is-afgarad ah oo Itoobiya u ogolaanaya inay hesho badda cas.

heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Isniintii kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayay Soomaaliya ku tilmaantay “gardarro” oo xad-gudub ku ah madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed. Soomaaliya ayaa sidoo kale u yeertay safiirkeeda u fadhiya dalka Itoobiya si ay wadatashi ugala yeelato arrintan.

Bayaan uu soo saaray Talaadadii, Af hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Matthew Miller wuxuu ku sheegay in Mareykanka uu ka naxay xiisadda ka taagan gobolka, wuxuuna ku booriyay dhammaan dhinacyada inay galaan wadahadal diblomaasiyadeed.

“Waanu aragnay warbixinadaasi, waanu ka walaacsanahay iyaga, waxaanu ku biirnay Asxaabta kale si aanu u muujino walaacayada halista ah iyo sidoo kale xiisadaha ka taagan Geeska Afrika, waxaanu ku boorinaynaa dhammaan dhinacyada ay khusayso inay wadahadlaan si diblomaasiyadeed, iyo Maraykanka waxay aqoonsanaysaa madax-banaanida iyo wadajirka dhuleed ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee xuduudaheeda 1960-kii,” ayuu yidhi Miller.

Maraykanka oo ah deeq bixiye weyn oo dhinaca ammaanka iyo wada shaqeynta la leh Ethiopia iyo Somalia ayaa hadalkan ka soo yeerayay Maraykanka waxa uu ahaa mid dhiiri galin u ah Soomaaliya oo muddo dheer u dhaxeysay Somaliland, khilaaf ku saabsan maqaamka iyo xuduudaha.

Falanqeeyayaasha qaar ayaa ka digay in heshiiska Itoobiya iyo Somaliland uu sii xumeeyo xiriirka Itoobiya iyo Soomaaliya, kaas oo markii horeba ahaa mid aad u kacsan oo ku saabsan xuduud badeedka lagu muransan yahay iyo doorka Itoobiya ku leedahay siyaasadda gudaha ee Soomaaliya.

Is afgaradka Itoobiya iyo Somaliland ayaa sidoo kale saameyn ku yeelan kara wada-hadallada iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya iyo Somaliland oo muddo sannado ah hakad ku jirtay. Midowga Afrika ayaa dhex dhexaadin ka waday labada dhinac, balse wadahadallada ayaan wax horumar ah laga gaarin.

Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG aheyd Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay “Waxaan soo dhawaynaynaa mowqifka Xukuumadda, Madaxweynaha, Guddoonka Baarlamanka iyo Xildhibaannada labada aqal ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ee ku aaddan heshiiska sharci darrada ah ee Dowladda Itoobiya isku dayeyso inay ku boobto Badda Soomaaliya. Waxaa wax lagu farxo ah baraarugga shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, midnimada ay muujiyeen si ay u difaacdaan Kheyraadka dhulkooda iyo Baddooda. Waxaan uga digaynaa dowladda Itoobiya damac kasta oo ay ku dooneyso inay ku qaadato taako kamid ah Badda Soomaaliya, arrintaas waxay suurta geli weysay dalkeenna oo intaan ka tabaryar, maanta oo dowladnimadeenna cagaheeda isku taageyso marna kama tanaasuli doonno taako kamid ah dhulkeenna, Baddeenna iyo Kheyraadkeenna”.

Madaxweynihii hore ee Dowladdii KMG aheyd mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxaa uu ugu baaqayaa beesha caalamka in il gaar ah lagu haayo damaca, daandaansiga iyo isku dayga boobka ay waddo Itoobiya ee ka dhanka ah Khayraadka Dalkeenna Soomaaliya, isagoo ugu baaqaya saaxibada Soomaaliya in ay muujiyaan is garab taagooda Soomaaliya. “Mushkiladda Itoobiya iyo Soomaaliya kuma dhammaan karto xoog iyo gacan togaalaysi ee waxaa ay u baahantahay wada hadal dhab ah maadaama laba dal oo deris ah aan nahay, lagana fogaado wixii keeni kara xasilooni darro ka soo cusboonaata geeska Africa. Waxaan ku garab tagannahay Dowladda difaaca qaranimada, Khayraadka iyo ilaalinta Midnimada dalka”.

_____________________________________________________________________________

Xigasho: SONNA

______________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post