732 Views

Goodax Barre oo kasoo horjeestay Dhismaha Maamulka Hir-Shabeelle

Goodax Barre oo kasoo horjeestay Dhismaha Maamulka Hir-Shabeelle
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | December 4,, 2020 –
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa si dag uga soo horjeestay dhismaha Cusub ee Maamulka Hir-Shabeelle iyo sida ay u wado dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Goodax Barre ayaa sheegay in Hir-Shabeelle ay nasiib u yeelatay in dowlad kasta ee dalka soo marta ay dhoodhoobato Madaxweyne dano gaar ah laga leeyahay taasina ay nasiib darro tahay.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo Wareysi siiyay Holtv waxaa uu sheegay inay nasiib darro weyn tahay.

Waxaa uu Eedeyn kulul uu u jeediyay Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hir-Shabeelle oo uu sheegay in uu yahay Nin qabiil oo aan ka Shaqeyneyn danta dadka ku nool degaannada Hir-Shabeelle. Hadalka Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cab

dullaahi Goodax Barre ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dadka ku nool Gobolka Hiiraan ay diidan yihiin sida lagu wado dhismaha Hir-Shabeelle, sidoo kalena uu dagaal ka dhacay Maanta Magaalada Beledweyne.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post