1308 Views

Wasiirka Caafimaadka iyo Duqa Muqdisho oo ka wada hadlay xaalada horumarinta adeegyada Caafimaadka Gobolka Banaadir

Wasiirka Caafimaadka iyo Duqa Muqdisho oo ka wada hadlay xaalada  horumarinta adeegyada Caafimaadka Gobolka Banaadir
____________________________________________________________________________

Sabti: November 13, 2021

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Fowziya Abiikar Nuur ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdsiho Mudane Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar filish).

Wasiirka iyo duqa Magaalada ayaa ka wada hadlay sii xoojinta wada shaqeenta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaarada Caafimaadka, gaar ahaan Hormarinta Adeegyada Caafimaadka Gobolka Banaadir, tayaynta adeeg bixinta talaalka iyo dhismaha xarunta Kaydka talaalka ee Degmada Cabdicasiis.

Kulanka ayaa waxaa qayb ka ahaa Agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, ugu danbeytii Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa uga mahadcelisay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo maamulkiisa sida ugqaadnayaa daadejinta adeega caafimaadka ee Bulshada.

By:Mohamed M Hassan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post