2862 Views

Qaban qaabada kursi ka banaan Golaha Shacabka oo ka socoto Kismaayo

Qaban qaabada kursi ka banaan Golaha Shacabka oo ka socoto Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  QOL |    February 13    2018 –Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaar ah maamulka Jubbaland ayaa maanta waxaa ka soconayo diyaar garow lagu doonayo in lagu soo gaba gabeeyo kursi ka banaan Golaha shacabka ee Soomaaliya.

Kursigaan ka banaan Golaha shacabka ayaa waxaa ka geeriyooday Allaha unaxariistee Cabaas Cabdulaahi Shiikh Siraaji, wasiirkii hore ee wasaarada howlaha guud iyo guriyeynta ee xukumada Fedraalka Soomaaliya.

Magaalada Kismaayo ayaa hadda waxaa ku sugan xubno dhowr ah oo ku tartami doono kursigaan iyo ergooyinkii soo dooran lahaa shaqsigii buuxin lahaa kursigaan uu ka geeriyooday Cabaas Siraaji.

Bishii lasoo dhaafay ee sanadkaan ayaa kursi sidaan oo kale ka banaanay Golaha Shacabka waxaa doorashadiisa ka dhacday Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeele, Kursigaas ayaa waxaa baneeyay Taliyihii ciidamada Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Gudiga doorashooyinka Madaxa Banaan ee Qaranka ayaa sidoo kale wada qorshe ay ku doonayaan in kuraas kale oo banaan laga soo doorto Maamulada Galmudug iyo Puntland dhawaan ay qabanayaan si ay u soo gaba gabeeyaan kuraas badan oo ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya.

Gudiga doorashooyinka Madaxa Banaan ee Qaran ayaa wado dadaallo lagu buuxinaayo kuraastii ka banaanaatay Golaha Shacabka.

Amaanka Magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay waxaana la filayaa in maalinta birri ah ay Kismaayo ka dhacdo doorashada kursigaan ka banaan Golaha Shacabka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment