792 Views

K/xigeenka Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo furay Shir ku saabsan tababarka Habka Howlgalka Guddiga Isku-xirka Hey’adaha u Xilsaaran Maareynta Xuduudaha Dalka Sawiro ..

K/xigeenka Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda  oo furay Shir ku saabsan tababarka Habka Howlgalka Guddiga Isku-xirka Hey’adaha u Xilsaaran Maareynta Xuduudaha Dalka Sawiro ..
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 04 November, 2020, K/xigeenka Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Xasan Cabdulqaadir Maxamed ayaa furay Shir ku saabsan tababarka Habka Howlgalka Guddiga Isku-xirka Hey’adaha u Xilsaaran Maareynta Xuduudaha Dalka.

Shirkaan oo ay soo qabanqaabisay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa waxaa kasoo qeybgalay Hey’adaha ka Howlgala Xuduudaha Dalka kuwaas oo isugu jiro Hey’ado Dowli ah iyo kuwa aan Dowli aheyn.

 Shirkaan ayaa daba joogo Shirar hore u soo socday mudo 3 sano ah iyadoo horay la isugu afgartay in ay wadashaqeyn buuxdo dhaxmarto Hey’adahii ka qeybgalayay Shirka, kaas oo ay Hogaamineysay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Sidoo kale Ujeedada Shirka ayaa waxay tahay sidii loo heli lahaa qaab mideysan oo ay kuwada shaqeeyaan guud ahaan Hey’adaha ka howlgalo Xuduudaha iyadoo hey’ad kasta ay qaadan doonto dowrkeeda shaqo ee Xuduudaha Dalka isla markaana ay sidoo kale iskaashi la yeelato Hey’adaha kale ee dhigeeda ah.

Dhanka kale Shirka ayaa waxaa dhinac socday Tababar la xiriira Habka Howlgalka Guddiga Isku-xirka Hey’adaha u xilsaaran Maareynta Xuduudaha Dalka kaas oo dhawaan la dhisi doono,  iyadoo tababarka lagu baran doono Habraacyada ay tahay in gudigaasi ku shaqeeyo.

Hey’adaha kasoo qeybgalay shirkaan waxaa kamid ah Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Wasaaradda Maaliyadda, Boliiska, Hey’adda Nabad sugidda, Hey’adda Duulista Rayidka, Wakaaladda Dekedaha Soomaaliyeed, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Dekedaha, Rugta Ganacsiga, Midowga Wakiilada Duulimaadla iyo Dalxiiska Soomaaliyeed iyo Guddiga Adeegga Diyaaradaha iyo Hey’ado kale.

Ugu dambeyn K/xigeenka Agaasimaha Guud Mudane Xasan Cabdulqaadir Maxamed oo shirka furay ayaa sheegay in Shirkaani muhiim u yahay Hey’adaha ka soo qeybgalay oo ay mid kastaahi leedahay kaalin muhiim u ah dalka isla markaana ay sidoo kale muhiim tahay in ay yeeshaan wadashaqeyn buuxda oo ay isaga kaashanayaan howgalada Xuduudaha Dalka. Sidoo kale K/xigeenka Agaasimaha Guud ayaa sheegay in Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay dardargelineyso hormarinta Xuduudaha maadaama Hey’addu ay hirgelisay dhismooyin casri ah oo laga dhisay qeybo kamid ah Xuduudaha dhulka.

#HSJ

Abdihakim Elmi Hassan

 

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post