828 Views

Diplomaasiyiinta Shiinaha iyo Twain oo isu gacan qaaday

Diplomaasiyiinta Shiinaha iyo Twain oo isu gacan qaaday
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL October 20|  2020—Diplomaasiyiin ka tirsan Dowladda Shiinaha iyo maamulka Twain ayaa isu gacan qaaday sidda ay xaqiijiyeen laamaha booliska dalka Fiji oo ay ka socotay munaasabad lagu xusaayay maalinta aas aaska Twain.

Mas’uuliyiinta Taiwan ayaa ku doodeysa laba sarkaal oo ka tirsan safaaradda Shiinaha in iyaga oo aan la casuumiin ay kasoo qaybgaleen munaasabad loogu dabaaldegayay maalinta qaranka ee Taiwan.

Afar diplomaasi oo labada dhinac ah ayaa la xaqiijiyay in ay waxyeelo kasoo gaartay tilaabada ay qaadeen ee isku gacan qaad ah.

Xiriirka ka dhexeeya labadooda wa mid aad u xun waxaana jirta hanjabaad joogto ah oola isu diraayo oo rabshadana ay ka dhalan karaan taas oo u horseedi karto in Mareykanka oo xulafo la ah Taiwan in uu lug ku yeesho.

Dhacdadii ugu dambeysay ayaa la sheegay inay ahayd 8-dii Oktoobar iyadoo xafiiska ganacsiga Taiwan ee Fiji – kaas oo sidookale ah safaaradeeda rasmiga ah – ay xaflad soo dhaweyn ah ugu sameysay ilaa 100 marti sharaf ah, Hotelka Grand Pacific Hotel oo ku yaal caasimada Suva ee dalka Fiji.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post