2136 Views

Soomaalida Minnesota oo dhigay dibadabax xoogan

Soomaalida Minnesota oo dhigay dibadabax xoogan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 22, 2018 – Jaaliyadda Soomalaiyeed ee Minnesota oo ka jawaabayay warbixin uu sii daayay Telefishinka FOX 9 oo uu ku weeraray Jaaliyadda iyo Hindise sharci oo ka mid ah xarumaha xanaanada caruurta iyo hanaanka xawilaadaha lacagaha ee Soomaalida ay leeyihiin ayaa waxa ay dibadbax ku qabteen aqalka sharci dejinta ee gobolka Minnesota.

Telefishinka FOX 9 ayaa jaaliyadda ku eedeeyay in ay musuq maasuqaan lacagaha Dowladda ay ku taageerto xarumaha xanaanada caruurta ee ay leeyihiin Jaaliyadda Soomaaliyeed, islamarkaana lacagahaasi ay u diraan kooxaha Argagixisada.

Hoggaamiyeyaasha bulshada Jaaliyadda ee Soomaalida ayaa eedahaasi waxay  ku tilmaameen been abuur ay ka dambeeyaan kooxaha neceb muslimiinta iyo dadka aan cadaanka aheyn.

“Ujeedada waxaa weeye in ay fuliyaan sharciyo annaga lidi nagu ah, sharciyada lidka nagu ah waxaa ka mid ah in ay Soomaalida u muujiyaan in ay yihiin dad fasahaad wada, iyo in bulshada ay u isticmaalaan hadafkooda siyaasadeed.” Ayuu yiri Cusmaan oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Dibadbaxayaasha ayaa u muuqda kuwa doonaya in ay helaan cadaalad, islamarkaana aan la jarin lacagaha ay Dowladda ku bixiso xarumaha xanaanada caruurta.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment