1176 Views

Xildhibaanada baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya oo maanta yeelanaya kulan

Xildhibaanada baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya oo maanta yeelanaya kulan
____________________________________________________________________________


Sabti: April 16, 2022

Magaalada Muqdisho waxaa maanta la filayaa inuu ka dhaco kulan ay yeelanayaan Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 11th ee Soomaaliya.

Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka ayaa la dhaariyay 14 bishaan intoodii badnaa, waxaana ay dhaarintooda kadib doorteen Guddoon KMG ah oo hoggaan usii noqda.

Xildhibaanada Baarlamaanka ee labada aqal kulankooda ugu horreeya waxaa uu maanta ka kala dhici doonaa xarunta Villa Hargeysa, waxaana halkaas shir ku yeelan doono Xildhibaanada Golaha shacabka ee BFS, halka xarunta Aqalka sare ay isugu tagi doonaan xubnaha aqalka sare.

Fadhiyada ayaa waxaa looga doodi doonaa Sameeynta Guddiyada Doorashada Guddoomiyaha iyo Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Guddoonka labada aqal  ayaa sheegay in aan waqti la lumin doonin, islamarkaana ay bilaaban doonaan kalfadhiyada baarlamaanka 11-aad, kaasi oo kulankiisa ugu horreeya isugu imaan doonaan maanta oo Sabti ah.

Baarlamaanka cusub ee 11-aad  ayaa waxaa horyaala shaqo adag, taasi oo ay ugu horreeyso doorashada guddoonka baarlamaanka labada aqal iyo tan Madaxweynaha Soomaaliya oo ah mida isha lagu wada hayo

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post