387 Views

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hadlay qaraxii lagu dilay Wasiirkii Cadaalada KGS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ka hadlay qaraxii lagu dilay Wasiirkii Cadaalada KGS
____________________________________________________________________________

sabti: JULY 30, 2022

  • Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Adan Maxamed Nuur Madoobe ayaa waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska ehelka iyo Qaraabadii uu ka baxay Allah ha u Naxriistee Wasiirkii Cadaalada maamulka Koonfur Galbeed marxuum Sheekh Xasan Ibrahim (Lugbuur) oo shalkay  Salaadii Jimcaha lagu dilay qarax ismiidaamin ahaa.
  • “Waxaan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Koonfur Galbeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda KGS Sheekh Xasan Ibraahim Lugbuur” ayuu Gudoomiye Aadan Madoobe.
  • Sidoo kale waxa uu intaas sii raaciyey “Alle ha unaxariisto Marxuumka, Ehelka iyo qaraabadana Samir iyo iimaan haka siiyo asaga iyo inta Ku geeriyootay qaraxii Ka dhacay magaalada Baydhabo sidoo kalena waxaan Eebe u waydiinayaa in uu u booga dhayo Umadda kale ee wax yeelada ka soo gaartey”
  • Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegay in xooga la saaro sidii la isaga kaashan lahaa Kooxaha caadeystay dhiiga ummadda Soomaaliyeed.
  •  

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post