372 Views

Ergeyga Arrimaha Abaaraha oo kulan la qaatay Danjireyaasha Mareykanka & UK ee Somalya u fadhiya

Ergeyga Arrimaha Abaaraha oo kulan la qaatay Danjireyaasha Mareykanka & UK ee Somalya u fadhiya
____________________________________________________________________________

 

Axad: AUGUST 7, 2022

Ergeyga gaarka ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bini’aadanimada iyo gurmadka abaaraha Xil. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulamo kala duwan magaalada Muqdisho kula qaatay danjirayaasha Mareykanka iyo UK , Larry Andre iyo Kate Foster.

Ergey Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa danjirayaasha kala hadlay sidii dalalkaan muhiimka ah u xoojin lahaayeen garab istaagga Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, una sii joogteyn lahaayeen gurmadka abaaraha daran ee ka taagan dalka.

“Kulamo kala duwan oo aan maanta la qaatay danjirayaasha Mareykanka iyo UK , Larry Andre iyo Kate Foster, ayaan kaga wada-hadalnay sidii dalalkaan muhiimka ah u xoojin lahaayeen garab istaagga Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, una sii joogteyn lahaayeen gurmadka abaaraha daran ee ka taagan dalka,” Ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Ergeyga.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhinacyada uu ku boorriyay inay xoogga saaraan sidii indhaha caalamka loogu soo jeedin lahaa abaaraha daran ee ka taagan dalka, inta lagu guda jiro shirka heerkiisu sarreeyo ee looga hadlayo gurmadka abaaraha ee ay qabaneyso Qaramada Midoobay.

Dhawaan ayaa la filayaa inuu dhaco shirweyne ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay, kaas oo qodobada looga hadlayo ay ugu weyn tahay xaaladda abaareed eek a jirta Soomaaliya, taas oo laga cabsi qabo in ay isku bedesho macluul baahsan.

Office Nairobi Kenya

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post