996 Views

Kulamo lagu xalinaayo dagaalka Gobolka Mudug oo bilaawday

Kulamo lagu xalinaayo dagaalka Gobolka Mudug oo bilaawday
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 12 , 2019 | QOL |   –Taliyaha ciidanka lugta ee  ciidanka xoogga dalka S/guuto C/xamiid Maxamed (dirir) ayaa maanta deegaanka Afbarwaaqo kulan kula qaatay Odayaasha iyo Waxgaradka halkaas oo uu taliyihu u tagay sidii uu qeyb uga qaadan lahaa in lajoojiyo dagaal beeleedyo ka socda qeybo kamid ah gobolka Mudug.

 

Wafdigaan uu taliyaha horkacayo ayaa shalay galinkii dambe  gaaray deegaanka Afbarwaaqo,iyada oo u jeedku yahay sidii xal looga gaari lahaa dagaalka deegaanada Afbarwaaqo iyo Towfiiq.

 

 

 

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa qorshahooda waxaa kamid ah in marka hore la kala qaado Maleeshiyaadka dagaalamaya kadibna la bilaabo wadahadalo u dhaxeeya labada dhinac.

 

Odayaasha gobolka Mudug ayaa dhankooda ku baaqay in dagaalka la joojiyo waliba sidhab ah arrintaas oo muhiim u ah dadka deegaanka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment