729 Views

Dibadbaxyo ka socda Magaalooyinka Maraykanka sida Portland, Oregon, Minneapolis, New York, Philadelphia Chicago. Portland iyo Oregon kuwaasi oo ka soo hor jeeda Trum..

Dibadbaxyo ka socda  Magaalooyinka Maraykanka sida  Portland,  Oregon,  Minneapolis, New York, Philadelphia Chicago. Portland iyo Oregon kuwaasi oo ka soo hor jeeda Trum..
____________________________________________________________________________

Dibadbaxyo ayaa ka socda magaalooyinka Mareykanka qaarkood, iyadoo xiisadda tirinta codadka gobollada lagu hardamayo ay sii kululaaneyso.

Booliiska magaalada Minneapolis ayaa xiray dad dibadbaxayay kaddib markii ilaa 200 oo qof oo mudaaharaad sameynayay ay xireen waddooyin waaweyn. Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in kooxdaasi ay ka cabanayeen Donald Trump.

Magaalooyinka Portland iyo Oregon, ciidamada ammaanka ayaa la geeyay kaddib markii dibadbaxyada ka dhanka ah Trump ee lagu dalbanayo in la tiriyo cod walba ay isku beddeleen kuwo rabshado wata. Goobjoogayaasha ayaa sheegaya in dadka qaar ay jebinayeen daaqadaha dukaamada.

Dibadbaxyo kuwaas la mid ah ayaa ka socda New York, Philadelphia iyo Chicago.

Dhanka kale magaalada Detroit, taageerayaasha Trump ayaa isugu soo baxay bannaanka bannaanka xarunta lagu tiriyo codadka, ayaga oo garaacaya daaqadaha kuna qeylinaya: “Jooji tirinta.” Sidoo kale dibadbaxyo yar oo tirinta looga soo horjeedo ayaa laga soo sheegay Phoenix, oo Arizona ka tirsan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post