1344 Views

SAWIRO:-Soomaali laga boobay goobo Ganacsi dalka Koonfur Afrika

SAWIRO:-Soomaali laga boobay goobo Ganacsi dalka Koonfur Afrika
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 02, 2019 —Kooxo Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa markale waxaa ay Gudaha dalkaasi ka bilaabeen boob ay u geysanayaan Goobaha Ganacsi oo ay leeyihiin dadka Ajaanibta ah oo ay Soomaalida ka mid yihiin,iyada oo saacadihii la soo dhaafay la boobay Dukaamo dhowr ah.

 

Kooxaha Burcad ah ayaa waxaa ay boob kula kaceen Dukaamo ku yaallo Aaga Xaafada  Tembisa oo ah Deegaanka 2aad ee ugu weyn ee ku yaalla Magaalada Johannesburg, gaar ahaan Qeybta Okmor, sida ay Ganacsatada halkaasi ku sugan Warbaahinta u sheegeen.

 

Goobaha Ganacsi ee la boobay ayaa waxaa ku jira Goobo ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed iyo kuwo u dhashay dalka Hindiya,waxaana jirtay in Goobahaas qaarkood ay Ganacsatada alaabahooda xalay ay kala baxeen si Kooxaha Burcad ah u qaadan.

 

Qof  ka mid ah Ganacsatada Soomaalida ay ku nool dalkaasi Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegen in intii uu boobka socday in Kooxadaha Burcada ah ay dab qabadsiiyeen Goobaha Ganacsi qaarkood,ikuwaas oo gebi ahaanba basbeelay,sidoo kalena la dilay Shan Ruux oo Itoobiyaan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment