765 Views

Burcad Hubeysan Oo xalay Lagu Qabtay Howlgal Laga Sameeyay Muqdisho.

Burcad Hubeysan Oo xalay Lagu Qabtay Howlgal Laga Sameeyay Muqdisho.
____________________________________________________________________________

.


Arbaco: August 18, 2021

Ciidamo ka tirsan Booliska dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Maamulka degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay habeenkii xalay aheyd howlgal ballaaran ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan degmadaas.

Inta uu socday howlgalka Ciidanka ayaa waxaa ay gacanta kusoo dhigeen laba burcad ah oo dhac u geysan jiray dadka shacabka ah, xiliyada habeenkii ah, iyagoo ka qaadan jiray Moobeelada gacanta iyo agabyo kale.

Saraakiisha amniga degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in burcada lasoo qabtay uu ku jiray Nin dil ka geystay Suuq degmadaas, kuwaasi oo lagu xiray Saldhiga Booliska degmada, isla markaana tallaabo sharci ah laga qaadi doono.

Ciidanka Booliska degmada Kaaraan ayaa horey sidaan oo kale u soo qabtay burcad hubeysan oo dhac baahsan ka geysan jiray gudaha degmada, waxaana Maamulka ay sheegeen in marnaba aysan aqbali doonin in la dhibaateeyo shacabka.

Si kastaba soo qabashada burcadan hubeysan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo maalmo kahor Ciidanka Booliska degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ay toogasho ku dileen laba burcad ah oo dhac ka geysan jiray xaafadda Gubta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post