657 Views

Xoogagga Ahlu-Sunna oo beenisay in ay diideen in ay wada hadala la furaan Dowaldda dhexe iyo Maamulka Galmudug

Xoogagga Ahlu-Sunna oo  beenisay in ay diideen in ay wada hadala la furaan Dowaldda dhexe iyo Maamulka Galmudug
____________________________________________________________________________

ISNIIN : November 14, 2021

Xoogagga Ahlu-Sunna ayaa beeniyay warar laga faafiyay oo ku aaddanaa in ay diideen in ay wada hadala la furaan Dowaldda dhexe iyo Maamulka Galmudug, kuwaasi oo saacadihii lasoo dhaafay si weyn la iskula dhex-marayay.

Cabdi Salaan Aadan Xuseen oo ah madaxa Siyaasadda Ahlu Sunna ayaa shegay in aysan jirin cid wada hadal lafurtay iyo cid meesha ay joogaan ugu timid toono, waxaana uu wararka la faafiyay uu ku sheegay kuwo wax kama jiraan ah oo dano siyaasadeed laga leeyahay.

Mas’uulka u hadlay Ahlu-Sunna ayaa intaa kud aray in  dadkii ay ka sugayeenw ada hadalka ee Culumaa’udiinkii iyo waxgaradku aysan jirin wax wada hadal ah ama xal ah oo si toos ah loo horkeenay.

Hadalka kasoo yeeray mas’uulka ka tirsan Ahlu Sunna ayaa kusoo aadaya iyadoo warar soo baxayay ay sheegayeen in saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya oo dhexdhexaadin ka dhexwaday mamaulka Galmudug iyo Ahlu sunna ee ku sugan deegaanka Bohol oo u dhow magaalada Dhuusamareeb,ay dadaalladaasi ku soo dhamaadeen guul darro kadib markii sida ay sheegeen mas’uuliyiinta howsha ku jiray ay dhinicii Ahlu sunna wax ka socon waayen halka dhanka madaxweynaha Galmudug Axmd Cabdi Kaariye Qoorqoor uu ka oggaaladay waan-waanta ay wadeen wafdiga saraakiisha ah, inkastoo hadalkaasi ay Ahlu Sunna beniyeen.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post