261 Views

Fallaagada M23 ee Congo oo la wareegtay magaalo muhiim ah

Fallaagada M23 ee Congo oo la wareegtay magaalo muhiim ah
____________________________________________________________________________

Sabti: Jannaayo  27/2023

Fallaagada bariga Jamhuuriyadda dimuquraadiga ah ee Congo ayaa qabsatay magaalo muhiim ah, saddex maalmood uun kadib markii ay dagaal culus la galeen ciidamada dowladdda.

Afhyeen u hadlay kooxda M23, oo lagu magacaabo Willy Ngoma, ayaa BBC-da u sheegay in ay iyagu hadda gacanta ku hayaan mamaulka magaalada Kitshanga.

Raadiyaha maxalliga ah ee Qaramada Midoobay ay taageerto ee la yiraahdo (Okapi) ayaa sidoo kale wariyay qabsashada magaalada –halkaasi oo ahayd jidkii ugu dambeeyay ee furnaa una dhexeeyay xarumaha dhaqaalaha ugu muhiimsan ee kalaah gobollada Kivu iyo Butembo.

Saraakiisha Qaramada Midoobay ee ee Conga ayaa cambaareeyay horusocdka dagaalyahanada M23 oo sanadkii hore lagula heshiiyay in ay isaga baxaan goobihii ay qabsadeen. Falaagada — oo u badan qowmiyadda Tutsi— waxay sheegeen in lagu qasbay inay soo farageliyaan deegaannadaas si ay uga hortagaan xasuuq kale oo iyaga ka dhan ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post