1197 Views

Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Shirkii Ka Dhacay Magaalada Nairobi

Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Shirkii Ka Dhacay Magaalada Nairobi
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Abriil 23, 2019 –Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay Shirkii Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ay ku yeesheen Xildhibano ka tirsan labda Golle ee Baarlamaanka,qaar Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah dowladda iyo Mas’uuliyiin xilal kala duwan la soo qabtay dalka,kaasi oo qodobadii ka soo baxay aad loogu dhaliilay dowladda.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa waxaa uu baaq u diray Siyaasiyiintii shalay  ku shiraya Magaaladda Nairobi,isla markaana ugu baaqay  in aysan ku fogaan mucaarad nimadooda.

“Dowladdu waxay wadaa isku raadin laakiin mucaaradka ku shiraya dalka dibadiisa yaysan isbiidka ka badin hadii aysanba dhaafayn Mucaaradnimada” ayuu yiri Wasiir Daahir Maxamuud Geelle.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa  uu sheegay in dadka diidan hanaanka dowladda ay wax u wado iyo kuwo hanka hogaamineed leh ay ku waangsan tahay in la isk hor fariisto oo laga wada hadlo Aayaha Ummadda Soomaaliyed,isla markaana la dhameeyo wax kasto oo jira.

 

Hadalka Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda  Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa waxaa ku soo aadayaa,iyadoo shalay Magaalada Nairobi kulan ku yeesheen Siyaasiyiin Mucaarad ku ah dowladda Federalka ,isla markaana soo saaray War-murtiyeed ka kooban dhowr qodob oo qaarkood aad loogu dhaliilay dowladda iyo kuwo eedeeymo kala duwan loogu jeediya

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment