291 Views

Dr. C/qaadir Saalax “Marka mustawaha bulshadu isu beddelo waaqici, waa marka keliya ee rajo ay muuqan karto?”

Dr. C/qaadir Saalax “Marka mustawaha bulshadu isu beddelo waaqici, waa marka keliya ee rajo ay muuqan karto?”
____________________________________________________________________________

Isniin, 26 December [Qaranimo Online] Dr. C/qaadir Saalax oo ka mid ah qalin-layda Soomaaliyeed, ahna barre wax ka dhiga Jaamacadda Accord ee Muqdisho, ayaa ka digay inaan lagu kadsoomin in mas’uuliyada & masiirka dalka dusha laga saaro shaqsi ama shaqsiyaad koobban, isaga oo u soo jeediyay  qaybaha kala duwan ee bulshada in ay qaataan doorkooda la xisaabtanka hay’adaha dowladda.

“Soomaaliya da aan dooneyno waa tee.? Waa Soomaaliya xor ka ah musuqmaasuq, colaad, ku-takri fal awooda dowliga ah & faqri, intaas waxaa ka horreeysa in la helo bulsho aqoonteedu ka sareyso qabyaalada & laaluushka, waxaan u baanahay saxaafad xor ah & waxgarad dalka laxa-jeclo u qaba” Ayuu yiri Dr. C/qaadir Saalax, wuxuuna intaasi ku daray in Soomaaliya waxa ay qaribay ay tahay hogaan aan ciddina la xisaabtameyn.

“Haddii mustawaha bulshadu isu beddelo mid waaqici ah waa marka keliya ee rajo ay muuqan karto, inta ay xaaladu sidan tahay oo shaqsi kasta ama koox kasta marka xil qabato siddeey doonto awooddii dalka ugu takri fasho aysanna jirin cid la xisaabtameysa godkaas aan ku jirno kama bixi doono” Ayuu yiri Dr. Saalax oo hadal dheer ka jeediyay aqoon isweydaarsi ciwaankiisu ahaa: Sidee lagu gaari karaa isbeddel ay bulshadu hormuud ka tahay, oo lagu qabtay Magaalada Nairobi.

Dr. C/qaadir Saalax isaga oo ku hadlayay magaca Jaamacadda Accord faraceedu Nairobi, wuxuu u mahadceliyay ururka dhalinyarada Eastlight [Islii] oo kulankaasi soo abaabulay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post