1041 Views

Waxgaradka Beesha Harti ee Kismaayo oo Deni u gudbiyay cabasho ay ka qabaan Axmed Madoobe

Waxgaradka Beesha Harti ee Kismaayo oo Deni u  gudbiyay cabasho ay ka qabaan Axmed Madoobe
____________________________________________________________________________

Isniin: july 5, 2021

Waxgaradka Beesha Harti ee Kismaayo ayaa madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni u gudbiyay cabasho ay ka qabaan madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe

Waxgaradka oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Puntland sabtidii shalay ayaa u gudbiyay cabasho ah in Madaxweyne Axmed Madoobe iyo dadka ku dhowdhow si gaar ah u bartilmaameedsadaan Beesha Hartiga , iyadoo la isticmaalayo awooda dowladda.

Waxay sheegeen in si gaar ah loo beegso hantidooda hadday tahay guri, beer ama meherad kale, falalkaasna ay marar badan sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayida.

Eedaha noocaan ah ee dadka deegaanka u jeedinayaan madaxweynaha Jubbaland oo ah kuwo soo noqnoqda ayey ku sheegeen in aysan jirin cid wax ka qabanaysa isla markaasna ay marar badan madaxweyne Axmed Madoobe arrimahaas ugu tageen laakiin aysan jirin wax is bedelay.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxgaradka u sheegay in uu cabashadoda kala hadli doono madaxweynaha Jubaland, uuna rajaynayo in xal laga gaaro arrimahaas.

Dhanka kale Madaxweyne Deni oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Kismaayo ayaa galabta u duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post