288 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray London, si uu uga qeyb galo aaska Queen Elizabeth II

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray London, si uu uga qeyb galo aaska Queen Elizabeth II
____________________________________________________________________________

Isniin: SEPTEMBER 19, 2022

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada London halkaasi oo berri uu kaga qaybgeli doono aaska boqoraddii UK Queen Elizabeth II.

Madaxweynaha ayaa ka duulay magaalada Washington DC oo uu ku sugnaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay. Madaxweynaha ayaa la filayaa in duugta Queen Elzabeth II kadib uu kusoo laabto dalka Maraykanka, isaga oo imanaya magaalada New York oo uu kaga qaybgeli doonto shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Washington kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Maraykanka oo uu ka mid yahay Xoghayaha Arrimaha Dibedda, Xoghayaha Gaashaandhigga, La-taliyaha Amniga Qaranka, iyo mas’uuliyiin kale.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post