1269 Views

Madaxweynaha Uganda oo waraaqaha safiirnimo ka gudoomay Safiirka cusub ee Somaliya u fadhin doono Dalka Uganda

Madaxweynaha Uganda oo waraaqaha safiirnimo  ka gudoomay Safiirka cusub ee Somaliya u fadhin doono Dalka Uganda
____________________________________________________________________________

Muqdisho /Qol/  March 10, 2021 

Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa waraaqaha safiirnimo maanta ka gudoomay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka u fadhin doono Dalka Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur).

Safiirka J. F. Soomaaliya Danjire Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabuur ayaa gaarsiiyay Madaxweynaha Uganda salaan uu uga waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale Safiir Cali Cagabaruur ayaa gudoonsiiyay Madaxweyne Museveni dhambaal hambalyo ah uu ka uu usoo diray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dhigiisa Uganda, middaas oo ugu hambalyeenayay munaasabadda dib loogu doortay Madaxweyne Museveni.

about:blank Danjire Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur ) ayaa horay usoo ahaa diblimaasi kasoo shaqeeyay dalal ay ka mid yihiin, Bakistaan iyo Uganda oo uu muddo labo sano ah ka ahaa Siihayaha safaaradda.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post