237 Views

Madaxweynaha Ukraine oo sheegay in Ruushka uu kusoo daabulayo dalkiisa diyaaradaha Drones-ka

Madaxweynaha Ukraine oo sheegay in Ruushka uu kusoo daabulayo dalkiisa diyaaradaha Drones-ka
____________________________________________________________________________

Sabti: OCTOBER 29, 2022

Madaxweyne Volodymyr Zelensky, ayaa sheegay in Ruushka uu in ka badan 30 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku keenay dalkiisa Ukraine laba maalmood gudahood.

Waxa uu intaa ku daray in guud ahaan, maamulka Moscow ay sidoo kale ku gantay dalka Ukraine ilaa 4,500 oo gantaallo ah, iyo in ka badan 8,000 oo weerarro cirka ah.

Isagoo ka hadlayay magaalada Kyiv, oo uu garab taagnaa wax u muuqday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee lagu farsameeyey Iiraan oo Shaheed la yiraahdo oo lasoo riday, Zelensky, ayaa waxa uu ballan qaaday inuu “baalasha ka jari doono” awoodda hawada ee maamulka Moscow.

Saraakiisha reer galbeedka, ayaa aaminsan in Iiraan ay diyaarado badan siisay Ruushka, balse maamulada Moscow iyo Tehran ayaa beeniyay.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, uu ku tilmaamay wax laga naxo ficilada gardarada ah ee Ruushka u adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Dublamaasiga ugu sarreeya Maraykanka, ayaa ku eedeeyay taliyayaasha Ruushka inay aaladahaas u adeegsadeen inay “ku dilaan dadka rayidka ah ee Ukraine, ayna burburiyaan kaabayaasha ay ku tiirsan yihiin korontada iyo biyaha ” mar uu safar ku tagay caasimadda Canada ee magaalada Ottawa.

“Canada iyo Mareykanka waxay sii wadi doonaan la shaqeynta xulafadayada iyo saaxiibadayada, si aan u soo bandhigno, uga hortagno, hubka Iiraan ay siiso Ruushka,” ayuu yiri Blinken.

Toddobaadyadii la soo dhaafay, ayaa weerarrada Ruushku waxaa lagu bartilmaansadey kaabayaasha rayidka ee Ukraine, iyagoo waxyeello u geystay korontadii iyo biyaha waddanka, xilli heerkulku uu bilaabay inuu hoos u dhaco.

Wadamada reer galbeedka ayaa sheegay in Iiraan ay diyaaradaheeda aan duuliyaha lahayn ee dalkeeda lagu farsameeyo ay geyso magaalada Moscow, waxaana khubarada militariga Iiraan ay ku sugan yihiin dhulka Crimea, ee uu Ruushku gumeysto, si ay taageero farsamo u siiyaan duuliyayaasha.

Maamulka Kyiv ayaa aqoonsatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsado weerarada qaar ee kaabayaasha dhaqaalaha inay yihiin kuwa Iiraan ee Shahed-136.

Waxaa loo yaqaanaa diyaaradahani “kamikaze” ee ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sababtoo ah waxay ku burbureen weerarka, oo looggu magac daray duuliyayaashii dalka Japan, ee duulinayay diyaaradihii lagu fulinayey hawlgalladii ismiidaaminta ahaa ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post