1161 Views

Laftagareen oo ku dhawaaqay inay diyaariyeen 400 oo Askari

Laftagareen oo ku dhawaaqay inay diyaariyeen 400 oo Askari
____________________________________________________________________________

MMuqdisho | QOL | October 02, -2019 —adaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen oo khudbad ka jeediyay shirka Caalamiga ah ee Madasha Iskaashiga ayaa ka hadlay Arrimaha Amniga iyo qorshaha deegaannada Koonfur Galbeed ee laga saaray Al-Shabaab.

 

Waxaa uu sheegay Madaxweynaha in deegaannada ay la wareegeen Ciidamada dowladda sida Bariire, Awdheegle iyo sabiib iyo Caanoole uu Maamulka Koonfur Galbeed uu diyaariyay 400 oo Ciidamo Boolis ah,kuwaas oo xaqiijinaya amniga deegaannadaas ay Ciidamada la wareegeen.

 

 

 

Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday qorshaha la isugu furayo wadooyinka u go’doonsan Ururka Al-Shabaab ee deegaannada Koonfur Galbeed,waxana uu sheegay in howlgalka ugu horeeya laga fulin doono wadada isku xirta Muqdisho iyoo Baydhabo.

 

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay in dhamaan la isku furo wadooyinka deegaannada Maamulkaas una go’doonsan Al-Shabaab, iyaga oo ka duulaya qorshaha Amniga oo ay diyaarisay Dowladda Federaalka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment