528 Views

Madaxweynaha Ukraine oo gaaray jiidda hore ee dagaalka

Madaxweynaha Ukraine oo gaaray jiidda hore ee dagaalka
____________________________________________________________________________


Axad: February 20, 2022

Dhakso, socodka boobsi, laakin u fiirso meesha aad cagahaaga dhigeyso” ayuu ku yiri asakariga, xilli weriyaha BBC Sarah Rainsford ay ku sugneyd dalka Ukraine gaar ahaan xilli ay joogtay gidaar dhowr boqol oo mitir u jira jiidda hore ee dagaalka.

Waxay intaa ku dartay in madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo ku sugnaa goob aan sidaa uga fogeyn , wuxuu madaxweynaha raacay gaarigiisa isaga ku labisan tuutaha militeriga xilli uu ku wajahnaa meel cidlo ah oo ay ciidamada ka qoteen dhufeyso.

Toddobaadkan, iyada oo dawladaha reer galbeedka ay sare u qaadeen digniintooda ku saabsan halista dagaal dhan walba ah ee Ruushka, Volodymyr Zelensky wuxuu go’aansaday in uu hoos u dhigo qaar ka mid ah askarta Ukraine kuwaas oo diyaar u ah duulaan kasta.

Weriyaha BBC waxay sidoo kale sheegtay in muddo labo maalmood ah ay la socotay madaxweyne Zelensky xilli uu maray deegaanno dhowr ah.

Waxaan ku safarnay diyaaradaha dagaalka iyo kuwa kale, waxaan marnay goobaha ciidamada ay dhoolatuska ku sameynayeen iyo xitaa furriimaha dagaalka laga bilaabo dhulka ilaa badda iyadoo reer galbeedka ay ka digayaan xiisadda.

Jiidda hore ee Shyrokyne, madaxweyne Zelensky ayaa shaah la cabbay oo la sheekaystay askar ku jirtay qolofta guri burburay.

Waxaa halkan saameeyay dagaallada muddada 8 sano jirsaday, tuulo dalxiiska caan ku ah ayay aheyd, waana deegaan waddooykiisa ay burbur ka muuqdaan, guryaha halkan waxaa burburiyay madaafiicda.

Waxaa sare u kacay duqeymaha, weriyaha ayaa kusoo warrantay in abbaare 9: 00 subaxnimo dalkaas, gobolka Luhanska waxaakusoo dhacay gantaal kaas oo lala beegsaday gidaarka dugsi, dhammaan astaamaha waxay muujinayeen in laga soo riday dhulka ay maamulaan ciidamada uu Ruushka taageero.

Waxaa marar badan la jebiyay heshiisyada xabad lagu joojinayo.

Kooxda madaxweynaha ayaa weriyaha u sheegay in xaaladdiisa amni ay walaac ka muujinayaan xilli uu ku socdaalayo goobo halis ah, laakiin Volodymyr Zelensky ayaa ku adkaystay inuu horay usii socdo.

Wadamada qaar ayaa si cad ugu cadaadinaya xukuumadda Kyiv in ay sameyso tanaasul kaas oo ay u aragto wax aan macquul aheyn, oo ay ku jirto in ay ka tanaasusho hadafkeedii dheeraa ee ahaa in ay ku biirto gaashaanbuurta Nato.

“Maalin walba iyo sannad walba indhahayaga ma xirin karno oo dhahno, Ruushka oo keliya ayaan doonayn in uu halkaas nagu arko, Sidoo kale waxaa jira xubno ka tirsan Nato oo arrintan ku taageeraya Ruushka.” ayuu yiri Mr Zelensky oo u warramayay weriyaha BBC-da Sarah Rainsford.

Maalin dhaweyd, ra’iisul wasaaraha Jarmalka ayaa hoosta ka xarriiqay in xubinnimada Ukraine ee Nato aysan u noqon doonin arrin laga doodo maadama aysan ajandaha ku jirin.

Laakiin se xukuumadda Moscow waxay codsaneysaa dammaanad qoran oo muujineysaa in Ukraine laga saari doono isbaheysiga Nato, macquul ma ahan in arrintaas ay aqbasho Ukraine.

hawaan ayay aheyd markii Ukraine ay ka codsatay inay kulan la yeelato Ruushka iyo dalal kale oo ka tirsan guddiga ammanka Yurub, si looga xaajoodo xiisadda sii xoogeysanaysa ee ka taagan xuduudda labada waddan.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin uu go’aansaday in uu weerar ku qaado dalka Ukraine.

Ra’iisal wasaaraga Britain, Boris Johnson, ayaa sheegay inay hayaan caddeym muujinaya in Ruushka uu qorsheynayo “dagaalkii ugu weynaa ee Yurub ka dhaca tan iyo 1945-tii.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post