687 Views

Baarlamaanka Soomaaliya oo Fasax Galay Xili aan Wali Lasoo Dhisin Golaha Wasiirada

Baarlamaanka Soomaaliya oo Fasax Galay Xili aan Wali Lasoo Dhisin Golaha Wasiirada
____________________________________________________________________________

Axad: July 3, 2022

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa la siiyey fasax 15 maalmood ah, si acmaasha Xajka iyo munaasabadda ciidul Adxa ay u soo gutaan.

Warqad uu soo saaray Xoghayaha golaha shacabka ayaa xildhibaanada lagu faray inay fasax yihiin 15-ka maalmood ee soo socota, iyadoo lagu wargeliyey in 16-ka bishaan ay ku soo laabtaan kulamada golaha.

“Mudane Xildhibaan, anigoo fulinaya amarka guddoomiyaha golaha, waxaan idinku war gelinayaa in xubnaha golaha la siiyey fasaxii Xajka iyo Ciidul Adxa, oo idiin bilaabana 1-da Luuliyo, kuna eg 15-ka bishaan,” ayaa lagu waqadda.

Qoraalkaan ayaa xildhibanada looga codsaday inay ka soo laabtaan fasaxaas maalinta Sabtiga ee 16-ka Luuliyo, si loo guda galo howlo ay ku jirto ansixinta xukuumadda cusub.

“Maadaama ay ansixintii golaha wasiirradu soo dhowdahay, waxaa xildhibaanada laga codsanayaan inay soo xaadiraan kulanka golaha shacabka, maalinta Sabtida ah ee 16-ka July, si guluhu u guto waajibaadkiisa dastuuriga ah,” ayaa lagu yiri qoraalkaan lagu fasaxay xildhibaanada.

Shaqooyinka ugu horeeya ee xidhibaanadu ay qaba doonaan markii ay kasoo laabtaan fasaxaan waxaa ka mid ah, ansixinta golaha wasiirrada ee Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre uu soo dhisi doono.

Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka oo kulamo wadajir ah maalmihii lasoo dhaafay ka lahaa miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2022-ka ayaa maalin ka hor ansixiyey miisaaniyadii ugu badneyd burburkii kadib.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post