1194 Views

Madaxweynaha Puntland oo dib ugu laabtay Garowe waxa uuna ka warbiyay Safarkiisii.

Madaxweynaha Puntland oo dib ugu laabtay Garowe waxa uuna ka warbiyay Safarkiisii.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 14,, 2019  –Madaxwyenaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Denni oo muddooyinkii ugu dambeeyey safar ugu maqnaa dalalka Shiinaha, Imaaraadka iyo Itoobiya ayaa galabta ku soo laabtay Garoowe.

 

Siciid Cabdullaahi Madaxweynaha Puntland oo warbaahinta hadal kooban ku siiyey garoonka diyaaradaha Garoowee ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ku soo laabto dalkii oo roobsaday nabadna ah, wuxuuna faahfaahin kooban ka bixiyey safarkiisii.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu booqaday Wadamada Shiinaha,Imaaraad iyo Itoobiya dhamaana ay guulaysteen safari uu tagay wadamadaas uuna rajaynayo in dhawaan fulaan heshiisyadii ganacsi ee uu soogalay.

 

Madaxweynaha ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in shirkada Ethiopian AIrlines ay duulimaadyo ka bilaabi doonto deegaanada Maamulka Puntland oo uu sheegay in ay awal ku yareed lsku socodka duulimaadyada iyo badda sida uu sheegay.

 

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa sidoo kale sheegay in dhawaan ay dayac tirayaan dhadooyinka burburku ka soo gaaray Roobabkii dhawaan ka da’ay deegaanada Puntland oo bur buriyay wadooyin badan oo haatan ah kuwo aan lagu safri Karin.

 

Deni ayaa lagu wadaa in maalinta bari ah uu si faafaahsan ugu hadlo safaradiisii iyo waxyaabaha u soo qabsoomay maadaama uu bari furidoono shirka Golaha wakiilada Puntland oo Garowe ka furmaya 15 june 2019.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment