300 Views

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray Gobolka Galgaduud

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray Gobolka Galgaduud
____________________________________________________________________________

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa  gaaray degmada Baxdo oo ka tirsan Galgaduud, ee Maamulka Galmudug .

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo uu wehliyey guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye ayaa marka hore ka degay degmada Cadaado iyada oo halkaasi ay ka sii raaceen mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Galmudug uu ka mid yahay Maxamed Aadan Gaboobe oo ah Wasiirka Amniga Galmudug iyo qaar kale, waxaa ayna safar dhulka ah ku tageen degmada Baxdo.

Wasiirka ayaa goobjoog ka noqday barnaamijka “Farxad Ku Ciid” ee degmada Baxdo kaas oo ay iska kaashadeen Wasaaradaha Arrimaha Gudaha ee labada heer ee Federaal iyo midda Galmudug iyada oo dadka deegaanka loo qeybiyey raashiin oo isugu jira Bariis, Bur, Sonkor, Caano, Saliid iyo Timir. Barnaamijkan ayaa gebogabo u ahaa “Xorriyad Ku afur” oo socday bisha Ramadaan.

Qaar ka tirsan dadka Baxdo kunool ee ka faa’iideystay Farxad Ku Ciid oo hadlay ayaa u mahadceliyey Wasaaradda, iyaga cod dheer ku dalbaday in la iska celiyo, lagana xoreeyo deegaannada ay heystaan Al-Shabaab.

Axmed Salaad Sheekh Dheere, guddoomiye ku xigeenka degmada Baxdo oo isna hadlay ayaa ka mahadceliyay cunnada loogu talogalay farxadda ciidda, isaga oo ugu baaqay dadka kunool deegaannada ay Al-Shabaab ku sugan yihiin in ay iska xoreeyaan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post