1299 Views

Madaxadii caafimaadka Al-Shabaab Gobolka Galgaduud oo isku soo dhiibay Galmudug

Madaxadii caafimaadka Al-Shabaab Gobolka Galgaduud oo isku soo dhiibay Galmudug
____________________________________________________________________________

Talaado: August 31, 2021

Wararka ka imaanaya Gobolka galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada xoogga ee ku sugan gobolka Galgaduud ay soo bandhigeen  sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab, kaasi oo isku soo dhiibay taliska Ciidamada dowladda Soomaaliya ee Gobolkaasi.

Sarkaalka isa soo dhiibay ayaa waxaa lagu magacaabaa Cali Ibraahim oo mudo dheer Al-Shabaab u qaabilsanaa Caafimaadka Gobolka Galgaduud.

Sidoo kale Taliska ciidanka xoogga ayaa sheegay in Cali Ibraahim uu dhibsaday dhibaatada ay Al-shabaab ku hayaan dadka shacabka ah, kadibna uu go’aansaday inuu ciidanka isku soo dhiibo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post